Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal oo la meel-mariyey


xildhibaanada
xildhibaanada

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey jadwalka iyo habraaca doorashada guddoonka golaha shacabka iyo Aqalka Sare kadib kulan wadajir ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxay dhaceysaa 27-ka April, halka doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare la qorsheeyey inay dhacdo 26-ka April, sida lagu ansixiyey kulankii maanta.

Labada Aqal ayaa 19-ka ilaa 22-ka April qabanaya diiwaan-gelinta murashaxiinta u taagan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Dhinaca kale, baarlamanka ayaa kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha oo laga dhigay $40,000, halka sanadkii 2016 ay ka aheyd $30,000. Waxaa sidoo kale la kordhiyey lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenada oo laga dhigay $20,000 halka kalkii hore ay ka aheyd $15,000.

Tallaabada uu maanta qaaday baarlamanka ayaa imaneysa ayada oo weli aysan soo dhammaan doorashada Glaha Shacabka, waxaana jira kuraas ku dhow 20 oo ku harsan HirShabeelle iyo Jubaland.

Jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal oo la meel-mariyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:49 0:00

XS
SM
MD
LG