Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ivan Šimonović Oo Ku Sugan Muqdisho


Ivan Simonovic
Ivan Simonovic

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee xuquuqda aadanaha waxa uu madaxda Soomaaliya kal hadlay dhowrista xuquuqda aadanaha.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca xuquuqda aadanaha Ivan Šimonović, ayaa ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo madaxda dawladda Soomaaliya uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhowrista xuquuqda aadanaha.

Shir jaraa’id oo uu qabtay maanta ayaa waxa uu kaga hadlay xukunnada dilka ah, isaga oo ku baaqay in fursad la siiyo qofka si uu isku difaaco, oo aan dil lagula deg degin.

Ivan Šimonović waxa uu sidoo kale sheegay in in Al-Shabaab lagaga adkaado Somalia aysan ku iman karin oo kaliya dhinaca milatariga, laakin loo baahan yahay in la wajaho sababta asaasaiga ah ee keenaysa xagjirnimada oo ay ka mid tahay saboolnimada, musuqmaasuqa iyo maamul xumada iyo haybsooca.

Dawladda federaalka iyo ciidmada ammaanka ee Soomaaliya ka shqeeya ayuu ugu baaqay inay sii laba jibaaraan dadlaakooda ay xadgubdyada kaga hortagayaan.

Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray Jacfar Kuukaay.

Booqashada Ivan Šimonović
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:33 0:00

XS
SM
MD
LG