Shir jaraaid oo ay ku qabteen tuulada Buuro Wadal ayay isimadani ugu baaqeen ugu baaqeen Somaliland inay ciidankeeda kala baxdo Laas-Caanood.
Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare oo ka mid ah Isimada gobolka Sool ayaa sheegay in issimadu ay ka xun yihiin dhibaatooyin kala duwan ee deegaanka Laascaanood ay kala kulmeen maamulada Puntland iyo Somaliland.
Garaadku wuxuu intaas ku daray in maamulka hadda jira ee Puntland aysan diyaar u ahayn sidii Puntland loogu soo celi lahaa magaalada Laascaanood oo maamulka Somaliland la wareegay bishii October ee sanadkii 2007. Mashqare wuxuu sheegay in hadda ay arrintu ka soo gudubtay in maamul wax laga sugo balse ay beesha Sool ay iyadu isku tashaneyso.
Garaad Mashqare wuxuu xusay in ay dhisanayaan guddi gaar ah oo xubnihiisa lagu soo xuli doono sida uu sheegay xeer hoosaad ay sameysanayaan.
Shirkan jaraaid ee ay issimadu qabteen waxaa goob joog ka ahaa Odayaal, Wasiiro ka tirsan maamulka Puntland iyo Xasan Daahir Maxamuud oo ahaa madaxweyne-ku-xigeenkii Puntland oo isagu ka soo jeeda gobolka Sool.
Warbixinta weriyaha VOA Garowe Nuux Muuse Birjeeb qeybta hoose ee boggan ka dhagayso.