Muqdisho —
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal xalay ka dhacay Muqdisho ay ku dileen mid ka mid ah maleeshiyada kasoo horjeedday xilli isrisaaseyn kooban ay ku dhex martay xaafadda Bangaariyada e degmada Hodan.
Booliska Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in ay billaabeen how-gallo lagu xaqiijinayo amniga magaalooyinka dalka qaar inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. dhinaca kale,
Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa arrimahaasi ka wareystay Sadiiq Aadan Cali (Doodishe), oo ah Afhayeenka Booliska, waxa uuna ugu horreyn weydiiyay aragtida ka dembeysa howl-galladan cusub ee socda?