Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israa'iil oo sharciga socdaalka kala noqotay wasiirka arrimaha dibadda Falastiin


Palestinian Foreign Minister Riad Malki speaks during a press conference at the International Criminal Court, May 22, 2018.
Palestinian Foreign Minister Riad Malki speaks during a press conference at the International Criminal Court, May 22, 2018.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa sheegay in Israa’iil ay kala noqotay sharcigii xagga safarka, taas oo qayb ka ah tallaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah Falastiiniyiinta oo xukuumadda cusub ee mayalka adag ee Israa’iil ay maalmo kahor ku dhawaaqday.

Riad Malki ayaa war uu soo saaray Axadda maanta ah ku sheegay in uu ka soo laabanayay caleema saarka Madaxweynaha Brazil, markii lagu wargeliyay in Israa’iil ay laashay sharcigii socdaalka ee madaxda sare ee Falastiin, taasoo u oggolaan jirtay inay si fudud uga safraan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, si ka duwan falastiiniyiinta caadiga ah.

Go’aankan ayaa waxa uu muujinayaa xariiqda adag ee ay dowladda hadda jirta durbaba ku wajaheyso falastiiniyiinta maalmo yar oo ay xilka heyso.

Talaabadan ayaa waxay ku soo beegantay xilli rabshado ba’an ay ka socdeen Daanta Galbeed ee la haysto.

AP.

XS
SM
MD
LG