Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel iyo Turkey oo Dib Usoo Celiyey Xiriirkooda


A Turkish flag flutters atop the Turkish embassy as an Israeli flag is seen nearby, in Tel Aviv, Israel, June 26, 2016.
A Turkish flag flutters atop the Turkish embassy as an Israeli flag is seen nearby, in Tel Aviv, Israel, June 26, 2016.

Israel iyo Turkey ayaa gaaray heshiis dib loogu soo celinayo xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaraah Israel Benjamin Netanyahi ayaa axaddii kadib kulan uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka sheegay “Waa tallaabo muhiim ah in xiriirka dib loos oo celiyo.”

Xiriirka labada dal ayaa burburay sanaddii 2010 kadib markii Israel ay faro-gelin ku sameysay markab Turkish ah oo gargaar u siday Gaza, xiligaas oo ay saarnyed xanibaad ay kusoo rogtay Israel.

10 qof oo Turkish ah ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israel ku qaadeen markabka.

Sarkaal sare oo Israel ah ayaa sheegay in heshiiska uu qeyb ka yahay in Israel ay cudur daar ka bixisay weerarka, islamarkaana ogolaatay 20 milyan oo dollar oo magdhow ahaan loo siinayo ehellada dadkii ku dhintay weerarka iyo kuwa ku dhaawacmay.

Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah in labada dal ay dib usoo celiyaan safiiradooda.

Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa isna sheegay in heshiiska ay qeyb ka tahay in Turkey loo ogolaado inay gargaar geyso Gaza, islamarkaana ka fuliso mashruuc ay guryo iyo isbitaallo ugu dhiseyso.

Waxaa sidoo kale heshiiska uu wax ka qaban doonaa koronto iyo biyo yarida ka jirta Gaza.

XS
SM
MD
LG