Beledweyne —
Laba fatahaad oo uu Wabiga Shabeelle gugii iyo dayrti sannadkaan sii dhamanaya ee 2023-ka ka geystay magaalada Baladweyne ayaa sababay barakac iyo burbur xoog leh, oo soo gaaray bulshada magaalada.
Meelaha ay fatahaadaas saameeyeen waxaa ka mid ah dhanka tacliinta. Iskuullada ayaase dhawaan dib loo furay, hase yeeshee waxaa wali maqan qaar badan oo ka mid ah ardayda iskuullada kala duwan ee Beledweyne.
Wariyaha VOA-da Xusen Xasan Dhaqane ayaa dib u furista dugsiyada ka wareystay, Maxamed Axmed Xassan oo ah maamulaha dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Sigma.
Madal