Beledweyne —
Isku socodka magaalada Beledweyne ayaa maanta xaddidnaa kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee shalay ka dhacay halkaas.
Booliiska ayaa xaqiijiyey inay dhinteen ugu yaraan 13 qof. Wararkii ugu dambeeyey ee dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxaas waxaa warbixintan inooga soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.