Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa weli ka socda iska horimaadyo hubaysan oo billowday saaka oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga degaanka.
Rasaaas culus ayaa ka dhacaysa daafaha magaalada, sidoo kale waxaa la sheegay inuu hoobiye ku dhacay Isbitaalka guud ee magaalada, sida ay goobjoogayaal u sheegeen weriyaha VOA-da.
Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda saaka ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha ku shirayey magaalada Laascaanood.
Sidoo kale mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland.
Mas'uuliyiinta isbitaalka Laascaanood ayaa u sheegay VOA inay iska horimaadkan ku dhinteen ugu yaraan 13 qof ilaa haatan, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.
Iska horimaadyadan ayaa yimid iyadoo maalmahan uu magaalada Laascanood kulan uga socday odayaasha dhaqanka degaanka kuwaasi oo ugu baaqay ciidamada Somaliland inay ka baxaan degaankooda, sida ay hadalka u dhgaan.
Madaxwyenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu horey u sheegay inaan ciidamada laga saarayn gobolka.
Dhinaca kalena odayaasha dhaqanka ee degaanka ayaa maanta soo saaray go’aammo ay ku jiraan in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo, islamarkaana aysan ka mid ahayn maamulka Somaliland, sida lagu sheegay qoraalkaasi.
Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay doorteen guddi ka kooban 45 xubnood oo maamuli doona arrimaha SSC-Khaatumo.
Haddaba wararkii ugu dambeeyey iska hor-imaadka, iyo falcelinta odayaasha gobolka iyo maamulka Somaliland, hoos ka dhageyso.