Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isbedelka Xukuumadda Cusub ee Ethiopia


Isbedelka Xukuumadda Cusub ee Ethiopia
Isbedelka Xukuumadda Cusub ee Ethiopia

Ra'isal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa soo magacaabay xukuumad cusub oo ka kooban 23 wasiir.

Golaha wasiirada ee cusub ayaa waxaa xilkoodi waayay 9 wasiir oo qaarkood miisaan culus ay ku lahaayeen xukuumadda Ethiopia oo ay ka mid yihiin wasiirkii arrimaha dibadda Siyoum Mesfin, iyo wasiirkii dhaqanka Maxamuud Dirir.

Xukuumaddan cusub ee uu soo magaacbay ayaa 14 ka mid ah ay yihiin wasiiro hore oo amma xilkoodii ay hayeen loo daayay amma wasaarado kale loo magacaabay.

Xubnaha golaha cusub ee wasiirada dalka Ethiopia ayaa waxaa ka mid ah saddex Haween ah.

Tallaabada kale ee ku cusub golaha wasiirada ee uu Ra'isak wasaaraha Ethiopia soo dhisay ayaa ah iyada oo Soomaalida laga siiyay laba kursi, kuwaasi oo kala ah wasaradaha Ganacsiga iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Khabiir ka faalooda arrimaha Bariga Afrika oo lagu magacaabo Xuseen Xaaji Daahir (Jaanyare) ayaa VOAda u sheegay in uu si shakhsiyan ah u arko tallaabo horomar ah.

Khabiirka ayaa ku taliyay in dawladda Ethiopia iyo Mucaaradka hubaysan ee ka soo horjeeda ay bilaabaan wada-hadal, si xal looga gaadho dagaalada ka jira ismaamulka soomalida ee Ethiopia.

Waraysi arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG