Dadka ku nool Degmada Xarar-Dheere ayaa ku soo warramaya in xaallada nololeed iyo ammaan ee degmadaasi ay soo fiicnaatay, kadib markii ay halkaasi qabsadeen maleeshiyada Xisbul-Islam.
Dadka degan degmadu waxay sheegeen in isbeddelka dhashay uu masaxayo magac xumadii ay kooxaha burcad-badeeddu degmada u soo jiideen.
Lacagaha faraha badan ee burcad-badeeddu ka helaan madaxfurashada ayaa degmada Xarar-Dheere ka dhigay goob lagu arko dhaqamo foolxun oo isugu jira, haweenka jirkooda ka iibsada, khamriga, iyo daroogada.
Dhamaan kooxihii burcad-badeedda ayaa ka baxsaday Xarar-Dheere, inkasta oo degmadu aysan maamul lahayn haddana waxaa muuqata in xaaladdu ay ku soo noqonayso sid ay ahayd ka hor intii aysan halkaasi ku xoogaysan burcad-badeeddu.