Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sheekh Mohamed bin Zayed: "Imaaraadku wuxuu Soomaaliya siinayaa taageero dhan kasta ah"  


Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan

Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa xaqiijiyay in Imaaraadka Carabta ay si joogto ah oo dhan walba ah u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed 'si ay u gaaraan himilooyinkooda horumarineed, xasilloonida, iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo ay dadkooda helaan.'

Arrintan ayaa timid markii uu maanta ku qaabilay Qasriga Al Shaati Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ayaa soo dhoweeyay booqashada hoggaamiyaha Soomaaliya, wuxuuna ugu hambalyeeyay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto hoggaaminta dalkiisa iyo ka mira dhalinta himilooyinka shacabkiisa ee xasilloonida, horumarka iyo nabadda.

"Kulanka Labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka." ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay mowqifka taariikhiga ah ee Imaaraadka uu ku garab taagan yahay dalkiisa, isagoo uga mahadceliyay "dareenka diirran ee uu u muujiyay shacabka Soomaaliyeed."

Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, waxaana labada dhinac ay ka wadahadleen dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Imaaradka Carabta, tan iyo markii dib loogu doortay madaxweynaha Soomaaliya 15-kii bishii hore ee May.

XS
SM
MD
LG