Washington —
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi shalay awoodda dalka ugala wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib doorashadii 15-kii bishan taas oo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay si aqlibiyad ah ugu doorteen madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.
Haddaba doorashada madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ku gadaaman caqaado amni, oo ay ka mid yihiin ciidamada gaarka ahaa ee dowladda Farmaajo..
Barnaamijka Ileyska VOA waxaan ku eegeynaa caqabadaha horyaalla Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana barnaamjika soo diyaariyay, soona jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.