Gobolka Hiiraan weli waxaa ka socda howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee wadaan militari ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya maleeshiyada deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan.
Saraakiisha milatariga dowladda ayaa maanta sheegay inay burburiyeen saldhig ay al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Buq Aqable.
Faahfaahinta warkan waxaa magaalada Beledweyne kasoo diray wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane.