Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hormuud iyo NISA oo is weydaarsaday eedo kadib shaqaale la xiray


Hormuud NISA
Hormuud NISA

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom iyo Hay’adda Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa is weydaarsaday eedo kadib markii ciidamada hay’adda ay xireen shaqaale ka tirsan shirkadda.

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud ayaa sheegtay in ciidamada hay’adda NISA inay shalay soo weerareen xarunta shirkadda iyo Salaama Bank ee ku yaalla aagga Tareebiyaano ee Muqdisho kadibna ay xireen saddex ka tirsan shaqaalaha shirkadda.

Hormuud ayaa sheegtay in xariggaasi ka dambeeyey markii ciidamada NISA ay ka codsadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa adeegga lagu diro lacagaha telefoonnada ee EVC Plus, taas oo shirkaddu sheegtay inay ka horimanayso shuruucda dalka. Shirkadda ayaa sheegtay inaysan xogta macaamiisha la wadaagi karin hay’adda nabadsugidda.

Shirkadda ayaa ku eedaysay ciidamada NISA inay khalkhal geliyeen hawlihii shirkadda iyo Bankiga Salaama, ayna sameeyeen ku takrifal awoodeed, iyaga oo xiray saddex ka mid ah shaqaalaha shirkadda, fasax maxkamadeed la’aanteed.

Dhinaca kalena, hay’adda nabadsugidda NISA ayaa sheegtay inay codsi ka heleen shirkadda Hormuud 26-kii bishii aynu soo dhaafnay ee December oo ay ku dalbanayaan in hay’addu ay ka caawiso dhibatao ay kala kumeen argagixsada, sida ay NISA sheegtay.

Hay’adda NISA ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay ku eedaysay shirkadda Hormuud in qaar ka mid ah shaqaalahadeedu ay xiriir iyo wada shaqayan la leeyihiin argagixisada, eeddaasi oo ay NISA sheegtay inay ku ogaatay baaritaan ay samaysay inkatsoo aysan soo bandhigin.

NISA ayaa sheegtay inay shirkadda ka dalbatay inay fatashaad ku smayso dhaqdhaqaaqa koontooyinka bankiga iyo aadeegga EVC Plus, taasi oo ay sheegtay inay shrikaddu diidday. Waxay kaloo NISA ku eedaysay shirkadda inay diidday wadashaqayntii iyo inay fakisay dadka la tuhunsanaa ee ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda.

NISA ayaa ku eedaysay shirkadda inay ku tumatay sharciga hay’adda sirdoonka, waxayna xaqiijisay inay soo xirtay qaar ka mid ah hawlwadeennada shrikadda Hormuud oo ay ku eedaysay inay is hortaag ku sameeyeen shaqada hay’adda.

VOA ayaan si madaxbannaan u xaqiijin eedaha ay is dhaafsadeen labada dhinac.

Hoos ka arag labada war-saxaafadeed.

War-saxaafadeedka Hormuud
War-saxaafadeedka Hormuud
War-saxaafadeedka NISA
War-saxaafadeedka NISA

Madal

XS
SM
MD
LG