Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Holder: Xididdada Ayaa loo Siibayaa Argagixisada


Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalkan Maraykanka Eric Holder ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo ku fekeraya inay weeraro ka fuliyaan gudaha Maraykanka i yo Caalamka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee dalkan Maraykanka Eric Holder ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay xididdada u siibeyso shakhsiyaadka xag jirka ah ee ku fekeraya inay weeraro ka fuliyaan gudaha Maraykanka iyo caalamkaba.

Mr. Holder ayaa hadalkan sheegay ka dib markii FBI-da Maraykanku ay 14 qof ku soo oogtay eedeeymo la xiriira inay taageero maaliyadeed iyo mid qalabeed u fidiyeen kooxda al-Shabaab.

Maraykanka ayaa xiray labo haween ah oo ka mid ah 14-ka qof ee la eedeeyay, kuwaasoo la kala yiraahdo Aamino Faarax Cali oo 33 jir ah iyo Xaawo Maxamed Xasan 63 jir ah waxaa laga soo qabtay magaalada Rochester ee gobolka Minnesota, ka dib markii lagu soo oogay inay lacago loo ururiyay dad masaakiin ah ay u weeciyeen kooxda al-Shabaab.

Labadan haweenka ah ayaa beeniyay dacwadaha lagu soo oogay, waxayna sheegeen sababta loo soo xiray inay tahay muslimnimadooda.

FBI-da Maraykanka waxay il gaar ah ku haysay gobolka Minnesota, halkaasoo la sheegay in dhalinyaro badan oo Soomaali Marykan ah ay halkaasi ka boqooleen si ay ugu biiraan kooxda al-Shabaab.

Wixii eedeeyntan cusub ka horreeyay Maraykanka waxa uu ku sheegayay tirada Soomaali Maraykanka ah ee kooxda al-Shabaab ku biirtay inay gaareyso 20 meeyo, hase yeeshee warbixinada la socday eedeeymahan cusub waxay hoosta ka xariiqeen in 50meeyo.

Waxaana intaasi sii dheer ayay warbixinada qeybtood leeyihiin in dad gaaraya 150 ilaa 200 oo haysta baasaaboorada dalal Maraykanka saaxiib la ah oo aan soo gelitaankooda dalkan u baahneyn Viise, kuwaasoo ay sheegeen inay xubno ka yihiin al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG