Buuloburte —
Ugu yaraan toddobo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay qarax miino oo waddada dhinaceeda la galiyay, meel u dhow deegaan lagu magacaabo Jicibo oo dhow degmada Buuloburte ee gobalka Hiiraan.
Duqa degmada Buuloburte Sadaam Cabdi Iidow, oo la hadalay VOA, ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa mooto kuwa seddexda lugood leh aanu qofna ka badbaadin qaraxa.
Saadaam ayaa dhacdadan uga warramay wariyaha VOA ee magaalada Baledweyne Xuseen Xasan Dhaqane.
Madal