Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'adaha gargaarka ee Soomaaliya oo ka walaacsan deeqaha oo hoos u dhacay


Shaqaalaha gargaarka ee ka shaqaynaya Soomaaliya ayaa ka walaacsan caajis ku yimaada dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo deeqaha oo hoos u dhaca xilli ay abaaraha dalka ka jira sii jiitamayaan.

Maxamed Cabdi oo ah madaxa hay’adda Norwegian Refugee Council ayaa sheegay in deeq bixiyayaasha ay Soomaaliya caawinayeen tobannaan sano inkastoo xaaladda bani’aadaminnimo ee waddanka aysan waxba iska beddelin.

Waxa uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah waddamada deeqda bixiya inay daalayaan.

Waxa uu intaasi ku daray inay dalalka deeqda bixiya taageerada sii wadi doonaan, laakiin sidoo kale ay taageri doonaan meelaha kale ee xasaraduhu ka jiraan sida Yemen, Siiriya, Turkiga iyo Ukraine.

Dawladda Soomaaliya iyo hay’daha gargaarka ayaa dhowaan codsaday lacag dhan $2.6 bilyan oo lagu gargaarayo dad dhan 7.6 milyan sannadkan 2023. Codsiga ayaa yimid iyadoo weli Soomaaliya ay ka jirto cabsi ah inay macluul dhacdo gaar ahaan haddii ay roobab ku filan di’i waayaan gu’ga soo socda.

Afhayeen u hadlay hay’adda isku dubaridka mucaawinooyinka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa VOA u sheegay inay ka cabsi qabaan inay sii yaraato kaalmada la siinayo Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegay in codsiga la jeediyey sannadkii 2021 oo ahaa $1.09 bilyan la helay 78%. Sannadkii hore oo codsigu ahaa $2.27 bilyan waxaa la helay 67%.

Afhayeenka ayaa sheegay in lacagta ugu badan ay bixisay dawladda Maraykanka sannadkii hore balse ay muujiyeen in heerka gargaarka ay bixiyeen uu sannadkan uusan heerkii hore la mid ahaan karin.

Sarkaal u hadlay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa VOA u sheegay inay dawladda Maraykanku bixisay $1.3 bilyan oo dollar sannad-maaliyadeedkii 2022 taasi oo u dhiganta saddex-meelood-laba dhammaan deeqaha la siiyey Soomaaliya.

Lacagtaas waxaa ku jirtay lacag dhan $452 milyan oo lagu dhowaaqay in lagu bixinayo gargaarka Soomaaliya sannad-maaliyadeedka 2023.

Sarkaalka u hadlay safaaradda waxa uu ballanqaaday inay dawladda Marayanku si xooggan usii wadi doonto taageerada gargaarka bani’aadaminnimo ee sannadkan.

Waxa uu sheegay in deeqsinnimada dadka Maraykanka ay qayb muhiim ah ka ahayd badbaadinta nafta, ka hortagga macluul iyo dhimasho baahsan oo dhacda.

Waxa uu sheegay inaysan dawladda Maraykanka hawshan keli ku noqon karin, ayna ugu baaqayaan deeq-bixiyayaasha kale inay qaybtooda qaataan.

Saraakiisha Soomaalida iyo kuwa hay’adaha gargaarka waxay sheegeen inay quudarraynayaan in waddamada Yurub iyo kuwa Carabta ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG