Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NISA oo qabatay nin ka tirsan Al-Shabab


Hay'adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta shaacisay in la qabtay nin "ka qaybqaatay" dilkii Maxamed Amiin Sheekh oo horey uga tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir.

NISA ayaa sheegtay in ninkaasi laga qabtay degmada Yaaqshid ee Muqdishu xalay kadib hawlgal la sameeyey.

NISA waxay sidoo kale soo bandhigtay cajalad muujinaysa qalab ay ka mid yihiin telefoonno, batariyaal, fiilooyin iyo agab kale oo ay muuqato in loo adeegsado qaraxyada.

Ninkaas ayaan hay'addu sheegin magaciisa. Hawlgalkan ayaa xalay ka dhacay xaafadda Carafaat ee Yaaqshid.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas'uuliuyadda qarax lagu dilay maalintii Axadda Maxamed Amiin Sheekh oo agaasime ka ahaan jiray Gobolka Banaadir.

XS
SM
MD
LG