Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweenka oo Guddoon Gusub Doortay


Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Ururka Haweenka Soomaaliyeed waxaa ka qeybgalay ilaa 400 oo haween ah.

Kulan maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen ilaa 400 oo haween ah ayaa waxaa lagu doortay guddoomiyaha cusub ee ururka haweenka Soomaaliyeed.

Haweenka ka qeybgalay kulankaasi lagu doortay guddoomiyaha cusub waxay ka kala yimaadeen degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha cusub ee loo doortay ururka Haweenka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Caasho Cumar Geesdiir ayaa soo dhoweysay xilkaasi loo doortay, waxayna sheegtay inuu xil culus yahay balse ay rajeyneyso iyadoo kaashaneysa haweenka inay waajibkeeda ka soo bixi doonto.

Caasho Geesdiir waxay sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay xuquuq badan ka maqan tahay, ayna u aragto doorashada maanta ay sameeyeen mid astaan u ah in haweenku ay u bislaadeen inay cududooda isu geeyaan si ay xaqa uga maqan u soo ceshadaan iyagana kaalinta looga baahan yahay ay gutaan.

Caasho Geesdiir waxay madax ka ahayd xafiiska ra’iisal wasaaraha ee haweenka iyo caruurta iyo xuquuqda aadamaha. Waxay hoosta ka xarriiqday inay ku kalsoon tahay inay wax badan ka qaban doonto sidii horumar ay u gaari lahaayeen haweenka Soomaaliyeed.

Waxay ballan qaaday inay isku xiri doonto haweenka gudaha dalka jooga iyo kuwa dibadda ku dhaqan.

Xubnihii maanta ka qeygalay doorashada haweenka iyo xildhibaanada haweenka ah ee baarlamaanka ku jira ayaa iyaguna si weyn u soo dhoweeyay doorashadaasi iyagoona u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee ururka haweenka Soomaaliyeed, Caasho Cumar Geesdiir.


XS
SM
MD
LG