Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweenka iyo Qoyska: Wareysi aan la yeelanay Deeqa Cabdi Dhalac


Deeqa Dhalac
Deeqa Dhalac

Barnaamijka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Deeqa Cabdi Dhalac oo ah duqa magaalada South Portland ee gobolka Maine ee dalka Maraykanka oo ah magaalada afraad ee ugu weyn gobolkaas.

Magaalada South Portland waxaa ku nool bulshooyin kala duwan oo ka kala yimid meelo kala duwan oo caalamka ah, waxaana lagaga hadlo 66 luuqadood.

Deeqa waa gabar Soomaali ah oo ah oo dalka Maraykanka timid sanadkii 1992-kii. Waana gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo qabata xilka duq magaalo ee dalkan Maraykanka.

Wareysigan waxay Deeqa uga sheekeyneysaa safarka ay u soo gashay in ay xilkan qabato, waxa uu uga dhigan yahay, sida uu wax uga baddali karo baahidii ka jirtay magaaladeeda ee ay qabeen bulshada midabka leh ee ka kala yimid caalamka oo ay Soomaalidu ku jirto, iyo aragtideeda ku aaddan dumarka Soomaliyeed iyo sidoo kale baaqa ay u direyso gabdhaha Soomaaliyeed munaasabadda 8-da Maarsho.

Barnaamijka waxaa soo diyaarisay Caasho Ibrahim Aden (Caashocuud).

Haweenka iyo Qoyska: Wareysi aan la yeelanay Deeqa Cabdi Dhalac
please wait

No media source currently available

0:00 0:15:27 0:00

XS
SM
MD
LG