Isku xirrada

War Deg-Deg ah

15 suxufi oo lagu xiray Hargeisa


Somaliland Police Booliska Somaliland
Somaliland Police Booliska Somaliland

Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa xabsiga dhigay in ku dhow 15 saxafi oo ka hawlgala warbaahinta maxalliga ah iyo tan caalamiga ah ee ka hawlgasha Somaliland. weriyayaashan ayaa intooda badan la xidhay iyaga oo ka soo waramaya shaqaaqadii maanta ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Hargeisa.

Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xadhiga saxafiyiintan isaga oo sheegay inuu qaarkood ku booqday goobaha ay ku xidhan yihiin halka qaybo kalena aanu illaa haatan ka warhelin meelaha lagu xidhay.

Guddoomiyaha ururka saxaafadda ee SOLJA ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in la xidho saxafiyiin shaqadooda ku jiray. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu jiro wadahadal u dhexeeya ururkooda iyo saraakiisha amniga ee Somaliland oo ku aaddan inay xorriyadooda dib u helaan saxafiyiintan la xidhay.

Warkan waxaa magaalada Hargeys ka soo dirtay Sagal Mustafe.

Suxufiyiin lagu xiray Hargeisa
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:35 0:00

XS
SM
MD
LG