Waxaa aad u xoogeysanaya dagaalka ka dhanka ah burcadbadeedda xeeabaha Soomaaliya, ka dib markii burcadbadeeddu ay kor u qaadeen weerarada ay u geysanayaan maraakiibta ganacsi ee ku gooshaysa xeebaha Soomaaliya.
Shirkadaha ganacsiga ayaa iyaguna ka fekeraya inay isticmaalaan xeelado kala duwan si ay isaga difaacaan burcadbadeedda.
Xeeladahaasi ayaa waxaa ka mid ah iyagoo qaarkood gudaha maraakiibta ka sameystay qol badbaado ah oo ay isku soo xiraan marka ay burcaddu u soo fuusho gaadiidka.
Ciidamada halwgalka caalamiga ah ee ka dhanka ah burcadbadeedda ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in ay kooban tahay waxa ay ka qaban karaan baahida ammaan ee ka jirta xeebaha Soomaaliya.
Burcadbadeedda ayaa masaafo fog gaarsiiya weerarada ay u geysanayaan maraakiibta ganacsi. Waxay gaareen meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya kuna xeebaha dalalka India iyo Tanzania.