Hargeysa —
Magaalada Hargeysa waxaa maanta laga daah-furay adeegga adeeraysyada ama cinwaanka boostaha taasi oo aan shaqayn tan iyo sanadkii 1988-kii.
Haddaba adeeggan oo la sheegay inay ka faa’iidaysan doonaan bulshada magaalada Hargeysa ayuu wariyaha VOA-da Khadar Maxamed Cakule ka wareystay wasiirka isgaarsiinta Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Suufi, waxaana uu ugu horeyn weydiiyay sababta keentay waqtigan in la bilaabo adeeggan.