Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyihii Marka iyo dad kale oo lagu dilay qarax is-miidaamin ah


Marka
Marka

In ka badan 10 qof oo uu ku jiro guddoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafow ayaa ku dhimatay qarax ismiidaain ah oo ka dhacay magaalada Marka, sida uu VOA u sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta gbolka Shabeellada Hoose.

Qaraxan ayaa mas’uul codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni uu sheegay inuu gaystay qof isa soo miidaamiyey uuna ka dhacay agagaarka xarunta degmada.

War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda, ay Al-Shabaab ku sheegataya mas’uliyadda qaraxa magaalada Marka oo ay sheegtay in lagu beegsaday guddoomiye Waafow.

Warbixintan waxaa soo diray Mukhtaar Catoosh.

Guddoomiyihii Marka iyo dad kale oo lagu dilay qarax is-miidaamin ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:14 0:00

XS
SM
MD
LG