Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir


Maxamed Axmed Amiir
Maxamed Axmed Amiir

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Maxamed Amiir ayaa beddelaya Yuusuf Xuseen Jimcaale oo xilka hayey tan iyo September 2022.

“Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga,” ayaa lagu yiri bayaanka madaxtooyada.

Maxamed Axmed Amiir ayaa ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Madal

XS
SM
MD
LG