Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiye bulsho oo lagu dilay Boosaaso


Boosaaso
Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in nin ku hubaysan uu bastoolad maanta toogasho ku dilay marxuum magaciisu ahaa Khadar Cabdi Cali oo guddoomiye u ahaa bulshada kasoo jeeda deegaanada Soomaali Galbeed ee ku nool magaalada Boosaaso.

Ninka hubaysan ayaa la sheegay in uu marxuumka ku dilay gurigiisa oo ku yaalla xaafada loo yaqaan Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaso, sida uu VOA u sheegay goobjooge magaciisa ka gaabsaday sababo ammaan dartood.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in uu sidoo kale dhaawac ku gaaray wiil yar oo uu dhalay marxuumka la dilay, wiilka yar ayey ku dhacday raastii aabihii u geeriyooday.

Laamaha ammaanka ee gobolka Bari ee magaalda Boosaaso. oo ay VOA la xiriirtay, ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan ninkii dilka gaystay mana jirto cid sheegatay inay ka dambaysay dilka marxuumka.

Madal

XS
SM
MD
LG