Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhabancad oo sheegay in la hor-istaagay inuu shaqadiisa guto


Xildhibaan Dhabancad
Xildhibaan Dhabancad

MUQDISHO - Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad ayaa ku eedeeyey ciidamada boolisku inay ka hor-istaageen inuu uu si hufan u socodsiiyo hawlaha diyaargarowga, doorashada shir-guddoonka golaha shacabka.

Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka ayaa ka dayriyey xaaladda ammaanka ee Villa Hargeysa oo ah xarunta uu ku shaqeeyo golaha shacabku, ka dib markii hoobiyayaal lagu weeraray, wuxuuna sheegay inay nabadgelyo u doonteen taandhada Afisyooni, hase ahaatee ay ka hor-isaageen ciidamada boolisku.

Guddoomiyaha KMG ayaa sharaxaad ka bixiyey, tallaabooyinkii dhacay ee lagu hor-istaagayey in la dhaariyo 16-ka xildhibaan ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

“Waxaanu is nidhi taandhada Afisyooni nabadgelyo u doonta, waa nalakaga daba yimi, oo taliyihii booliska ayaa yimi iyo weliba qaar ka mida ku xigeenadiisa, waa nalaka soo eryey, waana naloo diiday, [haddana] meel baan fadhiisanay annaga oo isleh waajibaadkiinna guta, waa suutroobi wayday, irridihii oo dhan ayaa nalaka xidhay” ayuu yidhi Guddoomiyaha KMG oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan hotelka ay ka dhacday dhaarinta xildhibaanadu.

Wuxuuna Guddoomiyaha KMG ahi uu intaas sii raaciyey “haatan markii ugu dambaysay oo aan meel nimi oo dadkii yimaadeen oo nidaamkii oo dhan la joojiyey [la diyaariyey], waxaa dhacday xabbad, hotelka ninkii lahaana illaahay haka samirsiiyo, ma garanayo cid u magi doonta, waxana lagala daalay hoteelkii xabbad, waxaas oo dhan oo dhacayaa waxa loolaa jeedaa yaan waxba dhismin."

Guddoomiyaha KMG ayaa sheegay inuu sii wadi doono shaqada loo xilsaaray, uuna ku rajo weyn yahay in berri iyo saadambe in la doorto shirguddoonkii rasmiga ahaa ee labada gole baarlamaan oo shaqada la wareegi doona.

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa goor sii horraysay cambaareeyey tallaabooyinka lagu carqaladaynayey shaqooyinka uu wado guddoomiyaha KMG, isagoo uga digay laamaha ammaanku inay ku lug yeeshaan falal lagu carqaladaynayo geeddi socodka doorashada.

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku saabsan eedahan ka yimi Guddoomiyaha KMG.

Xiisaddan cusub ayaa salka ku haysa, ka dib markii uu Guddoomiyaha KMG ahi uu go'aansaday inuu dhaariyo 16 xildhibaan oo lagu doortay magaalada Ceelwaaq, kuwaas oo ay guddida doorashada ee heer federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddidaasi ay siiyeen waraaqaha aqoonsiga ee xildhibaanimo. Hase ahaatee waxaa iyana jira xubno kale oo ka tirsan guddida doorashada ee heer-federaal oo iyana shahaadooyin siiyey xildhibaano ay sheegeen in lagu doortay degmada Garbahaaray.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray saddex maalmood ka hor wuxuu sharci-darro ku tilmaamay, doorashooyinka is hareer socday ee ka dhacay Garbahaaray iyo Ceelwaaq, isagoo ku baaqay in la ixtiraamo heshiiskii 17-kii September.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste

Dhabancad oo sheegay in la hor-istaagay inuu shaqadiisa guto
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:49 0:00

XS
SM
MD
LG