Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyaha guddiga doorashada oo gaaray Baydhaba


Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Muuse Geelle Yuusuf (Dhexda) iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhaba
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Muuse Geelle Yuusuf (Dhexda) iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafgi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo ay u tageen xallinta khilaafka ka taagan doorashada saddex ka mid ah kuraasta Baarlamaanka oo dib loo celiyay, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga FEIT.

Xubno ka tirsan madaxtooyda Koofur Galbeed ayaa soo dhaweyay wafdiga guddiga doorashada, waxaana lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda sare ee maamulkaas oo uu ka mid yahay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Maamulka Koofur Galbeed iyo guddiga doorashadaee FEIT ayaa maalmihii la soo dhaafay isku maan-dhaafsanaa dib celinta saddexdan kursi, kuwaas oo guddiga FEIT uu sheegay in doorashadooda aan loo marin habraac waafaqsan heshiiskii doorashada, halkaa Koofur Galbeed ay iyana sheegtay in si sax ah loo doortay.

Saddexdan kursi ayaa waxaa ka mid ah HOP103 oo uu ku fadhiyay guddiimihii hore ee Baarlamaanka Federalka Maxmed Osman Jawaari. Jawaari ayaa maamulka Koofur Galbeed ku eedeeyay inay hor istaageen inuu ka qeyb galo doorashada, inkasta oo maamulka Koofur Galbeed ay dafireen jiritaanka eedahaas.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa 'dhaleeceeyay hannaanka guddiga doorashada iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ku wadaan habraaca dhammeystirka', xilli uu dhawaan magaalada Baydhabo kula shirayay xildhibaannada laga soo doorto Koofur Galbeed, kuwaas aan weli qaaday shahaadada xildhibaannimo.

Xafiiska Ra'isul Wasaare Rooble ayaa iska fogeeyay eedaha uu madaxweyne Laftagareen u soo jeediyay.

Horraantii toddobaadkanna, waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay wadahadallo u dhaxeeya madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka soo kala dhex-galay maamulka Koonfur-Galbeed iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya ee ku aaddan xildhibaannada uu guddiga doorashadu sheegay in dib loogu noqonayo tartankooda.

Socdaalka guddiga doorashada ayaa kusoo beegmaya, xilli maalinta oo maalinta berri ah loo ballansanyahay dhaarinta mudaneyaasha labada aqal ee Baarlamaanka.

Warbixintan waxaa Baydhaba kasoo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh

Guddoomiyaha guddiga doorashada oo gaaray Baydhaba
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:01 0:00

XS
SM
MD
LG