Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ciidamada Midowga Afrika iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab uu dagaal ku dhexmaray degaanka Ceel Baraf.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen saldhig ay ciidamada Burudi halkaasi ku lahaayeen, sheegashadaas oo weli Taliska Midowga Afrika uusan ka jawaabin.
Haddaba dagaalkan ayaa weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane uu ka waraystay Cabdullaahi Xaaji Muxumed oo ah guddomiyaha degaanka Ceel Baraf.