Muqdisho —
Guddigga doorashada heer federal ee FEIT ayaa maalintii shanaad shahaadooyinka xildhibaanimo siiyay qaar ka mid ah xubnaha labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda 175 xubnood oo isugu jira labada gole ayaa la siiyay shahaadada, iyadoo ay xubno baarlamaan oo aan lasoo dooran ay weli ku harsanyihiin maamullada HirShabeelle iyo Jubaland.
Mareykanka ayaa labadaas maamul ugu baaqay inay soo dhameystiraan xubnaha ku dhiman, ayada oo qrshuhu yahay in xildhibaanada cusub la dhaariyo 14-ka April.
Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixntan Muqdisho ka soo dirtay.