Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga Doorashada Federaalka oo joojiyey Natiijada Kursiga uu kusoo baxay Fahad


Muuse Geelle
Muuse Geelle

Guddiga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay joojiiyeen natiijada doorashada kurisga HOP86 oo la sheegay inuu shalay ku guulaystay agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo haatana ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa horey u joojiyey doorashada kursigaas iyaga oo sheegay inay soo gaareen cabashooyin. Hase yeeshee doorashada ayaa dhacday shalay waxayna guddiga doorashada HirShabelle sheegeen inuu kursigaas ku guulaystay Fahad Yaasiin.

Si kastaba, Guddiga doorashooyinka heer federala waxay ku cleiyeen inay joojiyeen saddexda kursi ee kala ah HOP154, HOP103 iyo HOP86. Guddoomiyaha guddigaas Muuse Gelle ayaa u sheegay warbaahinta dawladda in kuraastaas hab-raacoodu qaldamay, dibna looga fiirsanayo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ilaa haatan la doortay 165 kursi oo ka tirsan Aqalka Hoose, halka ay harsan yihiin 110 kursi.

XS
SM
MD
LG