Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga Doorashada: Dhaarinta xildhibaanada way dhaceysaa 14-ka April


Muuse Geelle
Muuse Geelle

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyey in dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka oo la qorsheeyey 14-ka bishan April ay u dhici doonto sida loo qorsheeyey.

“Sida aad la wada socoteen waxaan horey u shaacinnay in maalinta 14-ka April 2022 ay tahay maalinta dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan halkan idinku wargelinaynaa in maalinta Khamiista 14-ka April, 2022 ay tahay maalinta la qabanayo munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub,” ayaa lagu yiri qoraal uu guddiga u diray daneeyayaasha Soomaaliya iyo xildhibaanada.

“Waxaan xildhibaanada sharafta leh ka codsaneynaa in Saacaddu markay tahay 10:00AM, ay isugu yimaaddaan Hoolka Teendhada ee Afisooni. Waxaana si xushmad leh idiinka codsaneynaa inaad ilaalisaan waqtiga islamarkaana aad u soo diyaar garowdaan Munaasabaddaas,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

Guddiga ayaa sidoo kale baaq ugu diray xildhibaanada aan weli qaadan shahaadada inay kahor maalintaas soo doontaan shahaadada.

“Waxaa xusid mudan in ay jiraan Xildhibaano aan qaadan Shahaadada Xildhibaanimo, waxaan iyagana ku boorrinaynaa inay yimaaddaan Xarunta Guddiga FEIT inta aan la gaarin 14-ka April, 2022 si aad u qaadataan shahaadada ugana qayb gashaan Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub,” ayuu yiri guddiga.

Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa imanaya ayada oo weli aan xal laga gaarin khilaafka u dhaxeeya guddiga iyo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo qaadacay in xildhibaanada laga soo doortay ay shahaadada qaataan, ayaga oo ka careysan saddex xildhibaan oo guddiga uu amray in doorashadooda dib loogu laabto.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo Baydhaba u tegay inay xaliyaan khilaafkan ayaan weli ku guuleysan.

Warqadda Guddiga Doorashada
Warqadda Guddiga Doorashada
XS
SM
MD
LG