Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xhaka oo laga yaabo inuu ka tago Arsenal, ku biiro kooxda Liverkusen


FBL-ENG-PR-NEWCASTLE-ARSENAL
FBL-ENG-PR-NEWCASTLE-ARSENAL

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Granit Xhaka, ayaa la filayaa inuu ciyaaro kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda Arsenal berri oo Axada ah, isaga oo markaas kaddib laga yaabo inuu ku biiro kooxda Bayer Leverkusen, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano oo ah wareye ka faallooda suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Wuxuu intaas ku daray in faahfaahinta kama dambaysta ah oo ku saabsan xaaladda ku gadaaman ciyaaryahanka la heli doonaa toddonaadka soo socda, waloow heshiiskan ku dhowyahay in la isku afgarto sida shaaca laga qaaday laba toddobaad ka hor.

Arsenal ayaa kulanka ugu dambeeya ee horyaalka Ingiriiska martigelineysa kooxda Wolverhampton Wanderers, iyada oo sannadkan ku dhameysaneysa kaalinta labaad.

Xhaka ayay Arsenal kasoo iibsatay kooxda Borussia Mönchengladbach ee horyaalka Jarmalka sannadkii 2016, wuxuuna u saftay 224 kulan, isaga oo uu dhaliyay 15 gool.

Madal

XS
SM
MD
LG