Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey hanti-dhawraha cusub


Axmed Ciise Guutaale
Axmed Ciise Guutaale

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansxiyey in Abuukaate Axmed Ciise Guutaale uu noqdo hanti-dhawraha guud ee qaranka, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyey xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Axmed Ciise Guutaale ayaa beddelaya Maxamed Cali Afgooye oo xilkan hayey tan iyo 3-dii bishii August 2017, markaasi oo ay magacaabeen golaha wasiirada.

“Hanti-dhowrka cusub ayaa aqoon durugsan u leh arrimaha sharciga, waxuuna horay u soo noqday Lataliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo La-taliye Ra'iisul Wasaare,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Xamza.

Axmed Ciise Guutaale aya a sidoo kale ka soo shaqeeyey shirkado iyo Hay’ado warbaahineed wuxuuna madax ka ahaa waraabinta Mustaqbal Media. Guutaale ayaa bartay sharciga.

XS
SM
MD
LG