Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka dooday xaaladda Xabsiga Dhexe


Xildhibaanada baarlamanka
Xildhibaanada baarlamanka

Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood ka yeeshay duruufaha nololeed iyo caqabadaha ay wajahayaan maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Doodda xildhibaannada ayaa timid kadib markii la horgeeyay warbixin ka hadlaysa dhibaatooyin adag oo ay wajahayaan maxaabiista ku jirta jeelka, taasi oo ay soo sareen guddiga gaarka ah ee Golaha Shacabka ay u xil saareen u kuurgalidda xaaladda ay ku nool yihiin maxaabiista xabsiga dhexe.

Guddiga ayaa warbixntooda ku sheegay in maxaabiista ay wajahayaan dhiibaatooyin nololeed oo ay ka mid yihiin daryeel la’aan caafimaad, ciriiri xoog leh oo ka jira gudaha qolalka, oo ay ku xiran yihiin dad ka badan laba jibbaar intii loogu talagalay iyo hannaanka caddaaladda ee la marsiiyo iyo xuquuqaha dadka xiran oo dhaliil ay usoo jeediyeen.

Laakiin Guddiga warbixintooda kuma aysan sheegin shaqaaqadii bishii July ee sanadkaan ka dhacday gudaha xabsiga, halkaas oo maxaabiis u xukunnaa dabiyo argagixisannimo ay isku dayeen inay ka baxsadaan xabsiga dhexe ee Muqdisho iyaga oo bastoolado iyo bambooyin ku waarayay ilaalada xabsiga.

Haddaba Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Naadif oo ka mid ah guddiga ay baarlamaanka ee howshaan soo waday13-kii bil ee lasoo dhaafay ayaa uga warramay Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka dooday xaaladda Xabsiga Dhexe
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:17 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG