Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ghana oo barbardhac gashay iyo Netherlands oo badisay


Kooxda Ghana ayaa barbardhac 1-1 la gashay kooxda Australia, halka kooxda Netherlands ay 1-0 uga badisay kooxda Japan

Ciyaarta koowaad oo garoonka Durbam ku dhexmartay kooxaha Netherlands iyo Japan ayaa ahayd ciyaar xiiso badan. Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Netherlands Wesley Sneijder ayaa kooxdiisa u dhaliyay gool.

Kooxda Japan oo iyaguna helay fursaddo ayaanay u suurogalin inay guul dhaliyaan, waxayna ciyaartii ku soo idlaatay Netherlands oo hal gool ah iyo Japan oo aan waxba dhalin. Kooxda Netherland oo horey uga soo badisay kooxda Denmark ayaa group-kan E waxay ku hogaaminaysaa 6 dhibcood, sidoo kale Japan oo iyaguna ka soo badiyay kooxda Cameron waxay haystaan 4 dhibcood.

Ciyaarta labaad ayaa garoonka Royal Bafokeng, waxay ku dhexmartay kooxaha Australia iyo Ghana. kooxda Australia ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay ay markiiba u suurgo gashay inay gool ka dhaliyaan kooxda Ghana. Kadib weeraro xiriir ah oo ay Ghana ku qaaday goolka Australia ayaa waxaa dhacday in mid ka mid ah kooxda Australia uu gacanta ku taabto kubbad ku socotay goolka. Garsoorihii ayaa ciyaaryahankaasi gacanta ku taabtay kubbada oo lagu magacaabo Harry Kewel siisay kaadhka cas, sidoo kalena waxaa kooxda Ghana loo dhigay rigoore, waxayna Ghana ka faaidaysatay rigoorahaasi oo ay gool ku heshay.

Ciyaartii ayaa hadaba ku soo afjarantay barbardhac 1-1. Kooxda Ghana waxay horey uga soo badisay kooxda Serbia, halka kooxda Australia ay ka soo badiyeen kooxda Germany. kooxda Ghana ayaa haatan group-kan ku hoggaaminaysa 4 dhibcood.

XS
SM
MD
LG