Kulankan ayaa ku aaddan sidii Somalia looga taageeri lahaa dhinaca difaacitaanka xuquuqda Aadamaha.
Kulankan ayaa maanta galay maalintiisi labaad, waa markii ugu horeysay taari ikhda golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay in hal dal laga hadlo laba maalin oo isku xigta ayna isku wada raacaan dhamaan dalalka xubnaha ka ah.
Xubnaha ka qayb galaya shirkan ayaa ka socda ururada u dooda xuquuqda aadamaha ee Somalia iyo ururada Saxaafadda ee Somalia.
Khabiirka Madaxa bannaan ee Qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadamaha ee Somalia Dr Shamsul Bari ayaa la filayaa in uu ku soo bandhigo shirkaasi warbixin la xidhiidha xaaladda Xuquuqul Insaanka.
Waxa kale oo la filayaa in uu madasha shirka maanta gaadho wafdi ka socda DKMG, iyada oo uu hore ugu sugnaa safiirka Somalia ee Geneva, waxa kale oo shirkaasi lagu martiqaaday saraakiil ka socota ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM.
Ururada u dooda xuquuqda aadamaha ee Soomaalida ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada ka soo baxda kulankan.