Isku xirrada

War Deg-Deg ah

General Milley "Waxay u badan tahay in dagaalka Ukraine uu socdo sanado badan"


Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Maraykanka General Mark Milley.
Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Maraykanka General Mark Milley.

Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Maraykanka ayaa ka digaya in dagaalka Ukraine ay u badantahay inuu socdo muddo sanado ah, taasoo kor u qaadaysa walaaca ah in dunidu ay noqoto mid aan xasilloonayn iyo suurtagalnimada isku dhac caalami ah oo u dhexeeya quwadaha waaweyn.

Intii lagu guda jiray dhageysiga Guddiga Adeegga Ciidmada Qalabka sida ee Golaha Congresska Talaadadii, ayaa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Maraykanka General Mark Milley uu sheegay in duulaanka Ruushka ee Ukraine uu yahay "khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga Yurub, iyo addunkaba" ee uu arko muddadii 42 sano aheyd ee uu xirnaa tuutaha ciidanka Maraykanka.

"Waxaan u baahanahay inaan raacno istaraatiijiyad cad, inaga oo ilaalinayna nabadda, lehna awood aan mugdi ku jirin oo xoog ah marka loo bar-bardhigo Shiinaha ama Ruushka" ayuu yiri General Milley, isaga oo ula jeeday labada khatarood ee militari ee ugu sarreeya ee Maraykanku wajihi karo.

Mar ay xunbaha Congress-ku ay waydiiyeen waxa ka joojin karay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in uu weeraro Ukraine, ayuu Milley sheegay in difaaca kaliya ee suurtogalka ah uu noqon kari lahaa in ciidamada Maraykanka la geliyo gudaha Ukraine, taas oo uu sheegay in aanu ku talin laheyn sababo la xiriira halista isku dhac hubaysan oo lala galo Ruushka.

"Si daacad ah, marka laga reebo ballanqaadkii ciidamada Mareykanka ee Ukraine, ma hubo in isaga (Putin) uu ahaa mid laga cabsado. Tani waxa ay ahayd ujeeddo fog oo uu lahaa sannado badan," ayuu yiri General Milley.

Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa isna intaa ku daray in dalabaadka Ruushka, oo ay ku jiraan in Ukraine laga mamnuuco inay gasho NATO iyo in la xaddido in NATO ay geyso ciidamadeeda iyo hubkeeda dhanka bari, ay yihiin kuwa aan la aqbali karin.

Austin yo Milley waxay xaqiijiyeen in ciidamada Maraykanku aysan ku tababarin ciidamada Ukraine gudaha Ukrain ama Poland oo deris la ah, laakiin ay ku tababarayeen meel ka baxsan Ukraine oo uu ku jiro gudaha Mareykanka.

XS
SM
MD
LG