Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garsoore diiday siyaasadda socdaalka ee Madaxweyne Biden


Garsoore Federaal ah oo ku sugan magaalada San Francisco ayaa diidey siyaasadda socdaalka ee madaxweyne Joe Biden Talaadadii, isaga oo ku tilmaamay sharcigiisa xaddidayao cidda magangelyo ka codsan karta xadka koonfureed mid aan sax ahayn oo aan habraac ahaanna loo marin.

Garsoorahan ayaa sheegey in diidmada ay dhaqan galeyso 14 cisho gudaheed, balse Qareenada u doodaya waaxda cadaaladda ayaa isla markiiba ka jawaabay oo soo saaray ogaysiis ay racfaan kaga qaadanayaan go’aankan maxkamad sare, waxaana loo badinayaa in dacwadu ay gaarto ilaa maxkamada sare.

Haddaba, Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegeysa siday Soomaalida u saameyn kareyso arrimahani.

Garsoore diiday siyaasadda socdaalka ee Biden
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:21 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG