Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garoonka Diyaaraha ee Muqdisho oo la Weeraray


Garoonka Diyaaraha ee Muqdisho oo la Weeraray
Garoonka Diyaaraha ee Muqdisho oo la Weeraray

Qaraxyada ayaa lagu soo warramayaa inay ahaayeen kuwo ismiidaamin ah, inkastoo aan weli lahayn khasaaraha dhabta ah.

Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwo Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gawaari lagu soo rakibay bambaanooyin.

Qaraxa hore ayaa dhacay ka dib markii gaari lagu rakibay waxyaalaha qarxa oo la qarxiyay kadib markii uu dhaafay kantarool oo ay boolisku maamulayeen oo ku taalla irridka garoonka dayuuradaha ee Muqdisho.

Sida ay dad goob joogayaal ahi ay u sheegeen VOA ayaa waxaa intaasi ka bacdi weerar soo qaaday ku dhawaad 10 dablay ah oo saarnaa baabur daba socday baabuurka qarxay.

Ciidamada AMISOM iyo Booliska DKMG ayaa rasaas ku furay kooxdaasi weerarka soo qaadday, halkaasi oo uu ku dhex maray dagaal muddo kooban socday.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dablayda weerarka soo qaadday ay is qarxiyeen.

Goob jooge ku sugan garoonka dayuuradaha ayaa VOA u sheegay in baabuurkii labaad ay ciidamada AMISOM qarxiyeen.

Wasiirka warfaafinta ee DKMG C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa VOA u sheegay in laba Askari oo AMISOM ka tirsan ay ku dhinteen weerarkaasi, sidoo kale waxaa uu xusay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen.

Hase ahaatee goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegaya in arkayeen ugu yaraan maydka 7 qof.

Welina faah faahin rasmi ah lagama hayo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

Hadba wixii faahfaahin ah ee soo kordha ayaan idinla socodsiin doonnaa.

Afhayeenka AMISOM oo war ka soo saaray weerarka ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarkaasi oo uusan geysan khasaare xooggan.

Kooxda al-Shabaab ayaa iyana sheegatay mas'uuliyadda weerarka. Afhayeenka kooxdaasi Sheekh Cali Maxamuud Raage oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaasi ay iyagu qaadeen.

Wuxuu ku sheegay ujeedada weerarka inay ahayd in lagu burburiyo waxa uu ugu yeeray shir ka socday gudaha garoonka.

XS
SM
MD
LG