Ugu yaraan 16 qof ayaa dhintay, 50-kalena way dhaawacmeen kaddib markii qaraxyo lala eegtay laba kaniisadood oo ku yaalla Garissa.
Bileyska ayaa sheegay in dabley hubeysan ay bambaannooyin ku tuureen labadaasi kiinasadood,kaddibna ay rasaas ku fureen dadkii ku jiray kaniisadahaasi.
Laba ka tirsan ciidamada bileyska ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkaasi.
Ciidanku ilaa hadda cidna ku may eedeyn mas'uuliyadda, balse weerarada noocan ah ayaa lagu eedeeyaa kooxda al-Shabaab iyo dadka taageersan.
Qaraxyo dhowr ah ayaa ka dhacay magaalada Garissa iyo waliba degmooyin kale oo ka tirsan Kenya tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya si ay ciidamada Soomaaliya uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabab.