Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahin ku saabsan dagaal maanta ka dhacay Dhuusomareeb


Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka dhacay magaalada, oo u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu-Sunna oo iyagu xalay soo galay magaalada.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dadka rayid ah kasoo gaaray dagaalkan, ayada oo ciidamada Ahlu-Sunna ay gudaha usoo galeen magaalada oo ay ka dhex dagaalameen.

Sawirro VOA kasoo gaaray magaalada ayaa muujinaya dad shacab ah oo ka barakacaya magaalada.

Dagaalka ayaa imanaya ayada oo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, oo Axadda ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Dhuusomaree kasoo diray Cabdiwaaxiq Macallin Isxaaq.

Faah-faahin ku saabsan dagaal maanta ka dhacay Dhuusomareeb
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:40 0:00

XS
SM
MD
LG