Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsade Lagu Dilay Gaalkacayo


Wararka iamanaya magaalada Gaalakacayo ayaa sheegaya in caawa salaaddii makhrib kaddib lagu dilay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo allaha u naxariiste Injineer Cumar Cabdulle Cumar Dheere oo kamid ahaa Ganacsatada Gobalka Mudug, waxana la dilay xili uu ka soo baxay Masjidka Salaama oo uu ku tukaday salaaddi makhrib.

Goobjoogayal ayaa sheegay in nin dhalinyaro ah oo watay Bastoolad uu toogtay ganacsadaha.

Cumar Dheere ayaa ahaa Maamulaha Shirkadda Isgaariisnta Somtel sidoo kalana ahaa Gudoomiyaha ganacsatada Gobalka Mudug mana cadda sababta dhalisay dilka ganacsadaha iyo ciddi ka dambaysay toona.

XS
SM
MD
LG