Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lampard oo aqbalay inuu Chelsea u noqdo tababare ku-meel gaar ah


Frank Lampard ayaa oggolaaday inuu si ku-meel gaar ah u qabto xilka tababaranimo ee kooxda Chelsea, sida uu xalay qoray wargeyska The Times, iyadoo milkiilayaasha kooxda ee Todd Boehly iyo Behdad Eghbali ay sii wadaan raadinta tababarihii bedeli lahaa Graham Potter.

Potter ayaa shaqada laga ceyriyay Axaddii kadib natiijooyin liita oo xiriir ah oo Chelsea geeyay kaalinta 11-aad ee horyaalka Premier League.

Lampard, oo Everton tababare u ahaa ilaa Janaayo, ayaa kusoo laaban doona jawigii caanka ahaa ee Stamford Bridge, halkaasoo taageerayaasha Chelsea ay jeclaayeen intii uu hayay khadka dhexe ee kooxda intii lagu jiray 13 sano ee uu koobab la qaadayay.

Wuxuu sidoo kale Lampard soo noqday tababaraha Chelsea kahor intii u dhexeysay 2019-201.

44-sano jirkaan, ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan Chelsea, isagaoo u dhaliyay 211 gool, waxaana la ceyriyay Janaayo 2021 kadib 84 kulan oo uu hogaaminayay.

Booska tababarenimo ee Chelsea ayaa si weyn loo hadal hayay, iyadoo Julian Nagelsmann iyo Luis Enrique ay ka mid yihiin magacyada lala xiriirinayo shaqadan.

Tababarihii hore ee Spain iyo Barcelona Luis Enrique ayaa u safray London si uu wadahadal ula yeesho kooxda Chelsea, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Reuters

XS
SM
MD
LG