Isku xirrada

War Deg-Deg ah

France oo Weeraro ka Billaabeysa Syria


Madaxweynaha France Francois Hollande. (File Photo)
Madaxweynaha France Francois Hollande. (File Photo)

Diyaaradaha dagaalka France ayaa iminka ka qeyb gala weerarada ka dhanka ah Daacish ee dalka Ciraq.

Madaxweynaha dalka Farnasiiska Francois Hollande ayaa Isniinta maanta ah shaaca ka qaaday in dalkiisa uu billaabi doono duulimaadyo indha-indhayn ah oo uu ku sameyn doona Syria, ka hor inta aanu ku biirin weerarada ka dhanka ah Daacish ee ay wadaan xulufada Mareykanka uu hoggaaminayo.

Diyaaradaha dagaalka France ayaa iminka ka qeyb gala weerarada ka dhanka ah Daacish ee dalka Ciraq, balse waxa uu dalka Faransiiska noqon doonaa dalkii ugu horreeyey ee reer galbeed ah, marka laga yimaado Mareykanka, ee weeraro ka fuliya Syria.

“Waxaan weydiistay wasaaradda gaashaandhigga in berri aan bilowno duulimaadyo aan dusha sare uga eegeyno Syria, si taasi ay noogu ogolaato inaan qorsheyno weeraro ka dhan ah Daacish” ayuu yiri Hollande.

Hollande, ayaa dhinaca kalena caddeeyey inuusan ka fakareyn in ciidamo Faransiis ah ay caga dhigtaan Syria, si ay ula dagalamaana Daacish.

XS
SM
MD
LG