Isku xirrada

War Deg-Deg ah

France iyo S. Africa oo ka Haray Koobka Adduunka


France iyo S. Africa oo ka Haray Koobka Adduunka
France iyo S. Africa oo ka Haray Koobka Adduunka

Labadan waddan oo qeybta A ku wada jiray ayaa labaduba haray ka dib markii waddanka K. Africa ay 2-1 kaga adkaatay France

K. Africa iyo France oo maanta wada ciyaaray ayaa labaduba ka haray inay u gudbaan wareegga 16aa ee ciyaaraha adduunka. Inkasta oo ay K. Africa 2-1 ku badisay, haddana natiijadaasi wax uma tarin si ay ugu gudubto wareegga kale.

Dhinaca kale, labada waddan ee Uruguay iyo Mexico oo qeybta A kulay jiray waddamada aan kor ku sheegnay ayaa iyagu u gudbay wareegga 16aad. Inkasta oo waddanka Uruguay uu 1-0 kaga adkaaday Mexico, taasoo Mexico ka dhigtay inay isku dhibco noqdaan K. Africa, haddana farqiqa dhinaca goolasha ayaa Mexico ka dhigay inuu u gudbo wareegga xiga.

K. Africa oo koobka adduunka marti galinaysa iyo France oo wax badan laga filayey, laakiin ay beryahan dambe is-maandhaaf maamulka iyo laacibiinta ahi uu u dhexeeyey, ayaa niyad jab badan ku abuuray taageerayaashooda.

Ciyaaraha xiga ee maanta dhacaya waxay kala yihiin: Argentine Vs Greece iyo Nigeria Vs S. Korea.

XS
SM
MD
LG