Weeraryahanka reer Brazil ee kooxda Al-Ahli ee Roberto Firmino ayaa si qurux badan ugu soo dhalaalay saddexleydii ugu horeysay ee uu dhaliyay, kadib markii kooxdiisa cusub ay 3-1 kaga badisay kooxda Al-Hazm furitaanka horyaalka Saudi Pro League Jimcihii.
Weeraryahankii hore ee Liverpool ayaa labo gool dhaliyay 10-kii daqiiqo ee furitaanka kahor inta uusan gool kale dhalin daqiiqadii 72-aad ee seddexleydiisii wuxuu u xaqiijiyay seddexda dhibcood kooxda cusub ee soo dalacday.
Al-Ahli iyo Al-Hazm ayaa ahaa laba ka mid ah afarta kooxood ee u soo dalacday heerka sare ee Sacuudiga.
Reuters.
Madal