Beledweyne —
Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ku fatahay webiga Shabeelle, taasi oo keentay in kumannaan qoys ay guryahoodii ka barakacaan, kuwaasi oo hadda jiifa meel cidlo ah.
Dadkaas qaarkood waxa ay guryo ka sameysteen baakado iyo baco aan qorraxda maalintii iyo qabowga habeenkii toona ka celineynin.
Dadkaas oo carruur iyo haween u badan ayaan wali helin wax gurmad ah oo kaga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ama hey’adaha gargaarka.
Haddaba sida ay dadkaasi u nool yihiin waxaa warbixintan nooga soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.