Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay dood ku saabsan wax ka beddelka dastuurka, ayada oo diiradda la saarayo cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad.
Cutubka 1-aad ayaa cinwaankiisu yahay Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cutubka 2-aad ayaa ah Xuquuqda Aasaasiga ah iyo Waajibaadka Muwaadinka, kan 3-aadna Dhulka, Hantida iyo Deegaanka, iyo kan 4-aad oo ah cutub cusub oo ku saabsan Matalaadda Shacabka oo ay ku jiraan qodobo ay ka mid yihiin mabaadii’da iyo nidaamka doorashada iyo muddo-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federaal iyo goboleed.
Dooddan iyo qodobada dastuurka ee lasoo jeediyey in wax ka beddelka lagu sameeyo ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay wasiirkii hore ee maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka Hoose ee baarlamaanka.
Madal